Xafladda Qalin-badalashada Macalimiinta Dufcaddii 7aad
  • Aug 5, 2026
Jaamacadda Burco waxay xaflad qalin-badalasho u qabatay macalimiinta gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag oo muddo 2 sanno ah tobabar uga socday jaamacadda. Macalimiinta oo tiradoodu dhamayd 303 macalin, waxay muujiyeen dadaal, karti iyo ka go'naasho in ay dheefsadaan talooyinka iyo tabaha khubarada. Isla mar ahaantana waxay si dhamaystiran u qaateen tobabarkoodi, kaas oo ugu danbayntii maanta ay ka qalin-badasheen.