TARTANKA HAL-ABUURKA DEEGAAN-DHAWR
Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo Mac’hadka masiibooyinka & Nabaddu (ICMPB) waxa ay ku martiqaadayaan dhammaan ardayda Jaamacadda Burco, gaar ahan heerka 1aad in ay ka qayb qaatan tartanka hal-abuurka Deegaan-dhawr. Kaas oo la xidhiidha xal u helidda dhibaatooyinka Deegaanka Gobolka Togdeer.
Ujeeddo:
In ay ardaydu la yimaaddaan hal-abuur, kaas oo xalinaaya dhibaayooyinka deegaanka ahna mid shaqaynaaya.
Yaa Ka Qayb Geli Kara?
• Arday kasta oo Jaamacadda Burco dhigta Gaar ahaan heerka 1aad
• Leh Student ID sax ah
📌 Shuruudaha Hal-abuurka:
• Waa inay ku salaysnaato mid ka mid ah mawduucyada loo asteeyay (Themes)
• Mawduucyada waxa ka mid ah (Themes):
- Clean-Tech Energy Transition and Sustainable & Livestock Production ( Ka faa’iidaysiga Tamarta nadiifta iyo joogteynteeda & Joogtaynta wax-soosaarka xoolaha ee casriga ah)
- Circular Economy: Recycling & technology. (Ka faa’iidaysiga qashinka iyo adeegsiga tignoolajiyadda)
- Water Management & Smart Irrigation. (Hab-maaraynta haboon ee biyaha iyo waraabka casriga ah)
- Sustainable Agriculture & Land Restoration (Joogtaynta wax-soorka beeraha & dib u habaynta dhulka)
- Ecology-friendly Product (ka ganacsiga Badeecad ku haboon degaanka)
• Waa inay xallisa dhibaato deegaan oo ka jirta Gobolka Togdheer
• Waa inay noqotaa mid la hirgelin karo
🏆 Abaalmarin:
Fikradaha ugu wanaagsan waxay heli doonaan maal-gelin lacageed iyo taageero
📍 Gudbinta: Ku soo gudbi lifaaqa hoose adiga oo adeegsanaya linkiggan:
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdiH48hyshK_jIZFbQnNLE2RJKQ-yf97voILcrgKc0EgQ3yiw/viewform?usp=header