Dugsiga Daraasaadka Sare iyo Cilmi-baadhista ee Jaamacadda Burco ayaa soo agaasimay tababar ku saabsan Xirfadaha Sare ee Cilmi-baadhista ee Ardayda Master-ka: Aragtiyaha, Hababka, Falanqaynta Xogta iyo Daabacaadda.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda ee ku aaddan diyaarinta iyo fulinta cilmi-baadhis xeeldheer, hababka kala duwan ee cilmi-baadhista, falanqaynta xogta iyo daabacaadda natiijooyinka cilmi-baadhista.
Tababarka waxaa soo jeediyey Hamse Abdiwahab, kaas oo Jaamacadda Burco ay uga mahadcelinayso waqtiga, dadaalka iyo aqoonta uu la wadaagay ka-qaybgalayaasha, isaga oo kaalin muhiim ah ka qaatay kobcinta xirfadaha cilmi-baadhiseed ee ardayda iyo horumarinta tayada cilmi-baadhista jaamacadda.