Bangiga Caalamiga ah ee Premier Bank ayaa Jaamacadda Burco, gaar ahaan Xafiiska Arrimaha Ardayda, ku wareejiyey dhar ciyaareed ay ardaydu kaga qaybgalayaan tartanka kubadda cagta ee kulliyadaha Jaamacadda Burco.
Tartankan oo ah mid si weyn loo sugayo ayaa la filayaa inuu dhawaan si rasmi ah u furmo, iyadoo kulliyadaha kala duwan ee jaamacaddu ay isku diyaarinayaan tartan xiiso leh oo lagu dhiirrigelinayo isdhexgalka, caafimaadka iyo horumarinta ciyaaraha ardayda.
Jaamacadda Burco waxay uga mahadcelinaysaa Premier Bank taageerada iyo kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta ardayda.
#PremierBank #JaamacaddaBurco #UniversityOfBurao #ArimahaArdayda #TartankaKulliyadaha #KubaddaCagta #CiyaarahaArdayda #Burao #Somaliland