Jaamacadda Burco, iyadoo kaashanaysa Dhoobane Academy isla markaana uu kormeerayo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, waxay ku wargelinaysaa dhammaan haweenka danaynaya horumarinta aqoonta, hoggaaminta iyo tababarrada bulshada inay iska diiwaangeliyaan Tababarka Tababarayaasha (Training of Trainers β TOT).
Tababarkani wuxuu diiradda saarayaa horumarinta xirfadaha casriga ah ee tababarka, hoggaaminta, isgaarsiinta iyo fududaynta waxbarashada, si loo diyaariyo haween xirfad iyo aqoon u leh inay door muuqda ka qaataan horumarka bulshada iyo waxbarashada Somaliland.
π― Ka Qaybgalayaasha La Beegsanayo
β’ Haweenka ka shaqeeya dacwada diinta
β’ Macallimiinta
β’ Xirfadlayaasha kala duwan
β’ Khubarada cilmiga bulshada
β’ Haweenka hoggaamiyeyaasha bulshada
π Goobta: Jaamacadda Burco (Main Campus)
π
Muddada: 23 July 2026 β 17 September 2026
π Waqtiga: 5:00 PM β 7:00 PM
π©βπ« Tababare: Dr. Samsam Dhoobane
π Diiwaangelin: 0637758636
π§ Email: [email protected]