Jaamacadda Burco ayaa maanta martigelisay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay Maalinta Deegaanka Adduunka, taas oo ka qabsoontay magaalada Burco. Munaasibaddan waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Degmada Burco, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, wasiirro, aqoonyahanno, madaxda jaamacadda iyo marti sharaf kale.
Ujeeddada munaasibaddu waxay ahayd kor u qaadidda wacyiga bulshada ee ilaalinta deegaanka iyo xoojinta doorka ay hay’adaha waxbarashadu ku leeyihiin ilaalinta khayraadka dabiiciga ah. Intii ay socotay munaasibaddu, waxa la jeediyey khudbado lagu adkaynayey muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, yaraynta wasakhowga iyo ka qayb qaadashada dadaallada lagu horumarinayo deegaan nadiifa oo bilicsan.
Jaamacadda Burco waxay mar kale muujisay kaalinteeda hoggaamineed ee ku aaddan kobcinta aqoonta, wacyigelinta bulshada iyo taageeridda hawlaha horumarineed ee dalka.