Maanta waxay ahayd maalin weyn oo xusuus iyo farxad gaar ah ku suntan taariikhda Jaamacadda Burco. Waxay ahayd maalintii ay muddada dheer sugayeen ardayda Dufcaddii 16aad, kuwaas oo maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay marxaladdii waxbarashada jaamacadeed, una tallaabay marxalad cusub oo ka mid ah noloshooda aqooneed iyo tan xirfadeed.
Xafladda maanta ma ahayn oo keliya munaasabad lagu maamuusayo qalin-badalashada ardayda, balse waxay ahayd dabaaldeg ka tarjumaya dadaal, adkaysi, dulqaad, aqoon iyo guul. In ka badan 600 oo arday ayaa maanta ka qalin-jabiyay Jaamacadda, iyagoo soo maray sannado badan oo waxbarasho, imtixaanno, cilmi-baadhis, hawlo aqooneed iyo caqabado kala duwan oo ay ugu dambayn si guul leh uga soo gudbeen.
In ka badan 600-ka arday ee maanta qalin-jabiyay waxay astaan u yihiin dadaalka joogtada ah ee Jaamacadda Burco ku bixiso horumarinta waxbarashada sare iyo diyaarinta jiil aqoon, xirfad iyo masuuliyad leh. Mid kasta oo ka mid ah ardaydan wuxuu leeyahay safar u gaar ah oo ay ku xardhan yihiin riyooyin, dadaal, caqabado iyo guulo. Qalin-jabintoodu sidaas darteed waa guul shakhsiyeed, balse sidoo kale waa guul ay wada leeyihiin qoysaskooda, macallimiintooda, jaamacadda iyo bulshada inteeda kale.
Ugu danbayntii waxaan u mahadcelinaynaa Alle (SWT) inoo suurto galiyay xafladdan. Marka xigta waxaan u mahadcelinayna ka Jaamcad Burco ahaan marti-sharaftii qiimaha badnayd ee naga la soo qayb gashay xafladdan, ay ugu horeeyaan wasiirada, xildhibaanada, agaasimayaasha, shirkadaha gaarka loo leeyahay, culimada, waxgaradka, aqoonyahanada, waalidka iyo dhamaan marti-sharafta kala duwan ee waqtigooda u huray inay u muujiyaan garab istaag iyo muhiimad ardayda qalin-badalatay maanta.