Ma Tahay Farshaxamiiste?
  • Jul 12, 2026
Ma tahay Farshaxan? Jaamacadda Burco, waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda ku wanaagsan farshaxanka qoraalka iyo naqshadaynta inay codsadaan ka qaybgalka mashruuc farshaxan ah oo ay Jaamacaddu u baahan tahay. Ujeedada mashruucan waxa uu qayb ka yahay dhiirrigelinta iyo horumarinta hibada ardayda ku wanaagsan farshaxanka, iyadoo fursad la siinayo dhammaan ardayda leh kartidan. Ka qaybgalayaasha waxa lagu qiimayn doonaa tayada farshaxankooda, waxaana laga soo xulan doonaa kuwa ugu habboon. Mudada codsigu waxay ka bilowmaysa maanta oo ah 12 July ilaa 15 July. kusoo gudbi codsiga Xafiiska Maamulka Jaamcadda ama [email protected] ama 0634493059.