Jaamacadda Burco ayaa martigelisay kulan talo-jeedin iyo wacyigelin ah oo loo qabtay ardayda magaalada Burco ee u diyaar-garoobaya imtixaanaadka shahaadiga ah. Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka Qaranka, Daa’uud Axmed Faarax.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraaca imtixaanaadka shahaadiga ah, masuuliyadda saaran ardayda, iyo muhiimadda ay leedahay in imtixaanaadka loo galo si hufan, daacadnimo leh, isla markaana waafaqsan xeerarka iyo nidaamyada u dejisan. Masuuliyiintu waxay ardayda la wadaageen tilmaamo iyo talooyin ka caawinaya inay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan imtixaanaadka, iyaga oo ku boorriyey inay ka fogaadaan wax kasta oo saamayn kara sida Qishka.
Sidoo kale, kulanka ayaa fursad u noqday in ardaydu su’aalo ka weydiiyaan arrimaha la xidhiidha imtixaanaadka, halka masuuliyiintuna ay bixiyeen faahfaahin iyo jawaabo caddeynaya habsami-u-socodka imtixaanaadka shahaadiga ah.
Jaamacadda Burco ayaa door muuqda ka qaadatay qabsoomidda kulankan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wacyiga iyo diyaar-garowga ardayda ka hor imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka.