Ka Qaybgalka Debaaldegga Xuska Maalinta Qaran ee 18-May.
  • Events
  • May 18, 2026
Jaamacadda Burco, waxay si weyn indhaha bulshada ugu soo jiidatay kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay munaasibadda xuska 18 May. Jaamacaddu waxay muujisay abaabul heer sare ah, bilic, nidaam iyo wacyi qaranimo oo si dhab ah uga tarjumayay qiimaha ay leedahay maalintan taariikhiga ahi. Ardayda, macallimiinta iyo maamulka Jaamacadda Burco waxay si qurux badan u dhex-mushaaxeen bandhiga wadada iyagoo ay muujiyeen isku duubni iyo waddaniyad sare, iyagoo si qurux badan uga dhex muuqday dabaaldegga 18-May. Calamo bilicsan, dhoolla-caddayn, hal-abuur iyo dareen qaranimo ayaa si weyn loogu arkayay ka qaybgalka jaamacadda.