Duco iyo Farriin ku Aaddan Ardayda Imtixaanka Shahaadiga u Fadhiisatay.
  • Jun 27, 2026
Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo dhammaan bahda Jaamacadda Burco waxay duco u dirayaan dhammaan ardayda Fasalka 4-aad ee maanta u fadhiya imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland. Waxa aan Alle wayne uga baryeynaa in uu ardayda u fudaydiyo imtixaanka. Sidoo kale, waxaan rajaynaynaa in dadaalkii, adkaysigii, iyo waqtigii ay geliyey waxbarashadoodu ay ku soo dhammaadaan natiijooyin wanaagsan oo horseeda horumar tacliimeed iyo mustaqbal ifaya. Sidoo kale, aad ka mid noqotaan ardayda bahwaynta Jaamacadda Burco. Imtixaannadu waa marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarka aqooneed ee ardayga, waxaana kalsooni ku qabnaa in aad muujin doontaan karti, dadaal, iyo masuuliyad. Ilaahay ha idin fudaydiyo. Aamiin!