Difaacashada Buugga | Ardayda Waaxda Adeegga Bulshada (Department of Social Work)
  • Jul 1, 2026
Hambalyo, Hambalyo! Waaxda Adeegga Bulshada (Department of Social Work) waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ardayda si guul leh u difaacday buugtooda cilmi-baarista, isla markaana soo gabagabeeyay safarkoodii waxbarasho ee afarta sano soo socday. Ardaydu waxay muddadii ay waxbarashada ku jireen muujiyeen dadaal, karti, adkaysi iyo jacayl ay u qabaan barashada cilmiga. Maamulka Jaamacaddu waxay ugu hambalyaynayaan ardayda guushan qiimaha badan gaadhay, waxayna u rajaynaysaa mustaqbal ifaya iyo inay cilmiga ay barteen uga faa'iideeyaan naftooda, bulshadooda iyo dalkooda. Hambalyo mar kale, Maamulka waaxda & Macalimiintuba waxay Allah idiin ka rajaynayaan guul iyo horumar joogto ah.