Xaflad lagu dhagax dhigayay hirgelinta isku-xidhka jaamacadaha ee xadhigga Fiber ka ee Internet ka.
  • Events
  • Apr 29, 2026
Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, oo uu wehelinayo Agasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aadan Cabdillahi Cabdalle ayaa saaka kaga qayb galay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame Xaflad lagu dhagax dhigayay hirgelinta isku-xidhka jaamacadaha ee xadhigga Fiber ka ee Internet ka. Wasiirka oo halkaas ka hadlay ayaa ka warramay muhiimadda ay arrintani u leedahay jaamacadaha dawladda ee dalka isla markaana ku dhiirri geliyay inay uga faa’idaystaan sida loogu talagalay. Wasiirku waxa uu sheegay in ay habboon tahay in aynu la jaan qaadno horumarka tiknoolajiyadda ee dunidu ku tallaabsatay, tanina ay noqonayso bar bilow aad u mihiim ah oo wax wayn ka beddelaya hannaanka waxbarashada sare ee dalka. Agaasimaha Guud ayaa isaguna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta goobjoog u noqdo xafladdan taariikhiga ah ka wasaarad ahaana ay u tahay fursad ay jaamacadaha iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada sare ee dalka iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda caalamka ee ugu dambaysay. Agaasimuhu waxa uu ballan qaaday in ay arrinta si dhow ugala shaqayn doonaan jaamacadaha isaga oo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay. Isku-duwaha Mashruuca Isku Xidhka Dhijitalka ee Bariga Africa (Project Coordinator, EA-RDIP) ee uu Baanka Adduunku ka taageero Wasaaradda Isgaadhsiinta, Mudane Saleebaan Maxamed Cabdi, ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay sida uu mashruucu ku bilaabmay iyo kulamadii ugu horraysay ee jaamacadaha lala yeeshay sannadkii hore si ay u soo gudbiyaan baahiyahooda, taasna ay ka dhalatay arrinkan maanta la dhagax dhigay ee isku xidhka jaamacadaha dawladda ee dalka. Dhankiisa waxa isaguna madasha ka hadlay Mas'uulka qaabilsan Isku-xidhka Tacliinta Sare (Higher Education Connectivity), Mudane Maxamed Jaamac Madar, isaga oo si qoto dheer u sharraxay qaabka farsamo ee mashruucan iyo faa'iidada wayn ee uu isku-xidhkani u leeyahay tayaynta, casriyaynta iyo isku-xidhka aqoonta jaamacadaha dalka. Xafladda waxa sidoo kale ka soo qayb galay oo dhammaantood madasha hadallo qiimo leh ka jeediyay Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland, Prof. Xasan Cumar Xalas, Chancellor-ka Jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, iyo Guddoomiyayaasha saddexda jaamacadood ee dawladda oo kala ahaa; Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud oo madashan marti loo ahaa, Prof. Dr. Maxamed Muuse Jibriil, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamed Axmed Sulub, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Prof. Ibraahim Cismaan Ismaaciil, iyo sidoo kale madax kale oo door weyn ku lahaa munaasabaddaas.