Soo Booqashadda Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed uu kusoo booqday Jaamacadda Burco.
  • Events
  • May 11, 2026
Wafti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac (Axmed Saki), ayaa saaka booqasho shaqo ku yimid Jaamacadda Burco. Waftiga waxa si diirran u soo dhaweeyey Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka, Dr. Yuusuf Axmed Cali, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Prof. Ibraahim Cismaan Ismaaciil. Intii ay booqashadu socotay, waftigu waxay kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee jaamacadda, gaar ahaan fasallada iyo shaybaadhyada caafimaadka. Waxay sidoo kale u kuurgaleen habka ay ardayda caafimaadku maalinlaha ah u qaataan casharradooda iyo tababarradooda waxbarasho. Dhanka kale, waftigu waxay bogaadiyeen dedaalka joogtada ah ee Jaamacadda Burco ay ugu jirto horumarinta tayada waxbarashada caafimaadka iyo sidii ay u soo saari lahayd jiil aqoon iyo karti leh oo mustaqbalka door muuqda ka qaata horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.