Xalay jaamacadda waxaa ka qabsoomay muxaadaro aad u qiimo badan oo ay jeediyeen labada aqoonyahan ee Sheekh Mustafe iyo Sheekh Dr. Cabdibaasid. Casharkan oo cinwaankiisu ahaa “Cilmiga Faa’iidada Leh ee Islaamka” ayaa si weyn u soo jiitay ardayda, kuwaas oo si deggan oo feejigan u dhagaystay. Jawiga goobta ayaa ahaa mid muujinayay ixtiraam iyo xiise dhab ah oo loo qabo cilmiga, taas oo ka dhigtay muxaadarada mid saameyn muuqata reebta.
Intii uu socday casharku, culimadu waxay si qoto dheer u sharaxeen muhiimadda uu leeyahay cilmiga faa’iidada leh, iyagoo tusaalooyin cad ka bixiyay sida uu qofka uga caawin karo horumarka noloshiisa diineed iyo midda adduunyo, sidoo kalena, cilmiga ay baranayaan uu u noqdo cilmi ay garanayaan waxa ka danbeeya daaha gadaashiisa oo ah garashada awooda iyo aayadaha Allaha wayn. Ardaydu ma ahayn oo kaliya dhagaystayaal, balse waxay muujiyeen faham iyo falcelin togan, taas oo ka tarjumaysay sida ay uga go’an tahay inay ka faa’iidaystaan aqoonta la gudbinayo. Arrintani waxay muujinaysaa heerka wacyiga iyo bisaylka ardayda jaamacadda.
Dhanka kale, soo dhaweynta culimada loo sameeyay waxay ahayd mid xambaarsan qadarin iyo sharaf. Ardaydu waxay muujiyeen akhlaaq wanaagsan iyo ixtiraam, iyagoo garwaaqsaday kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leeyihiin bulshada. Muxaadaradan ayaa noqotay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida goobaha waxbarashadu u gali karaan kobcinta cilmiga iyo akhlaaqda, isla markaana u abuuri karaan jiil leh aragti iyo faham sax ah.